بسم الله
الرحمن
الرحيم
Waxaa qoray: Sh. Cutmaan Macalin
Mahad dhammaanteed
Allaah baa leh.
Waxaa email la iigu soo diray 16 su'aalood oo shaki qofka looga gelinaayo diintiisa, oo waxaa ii soo diray qof isagana loo soo diray, sida su'aaluhu u qoran yihiinna waxay caddaynaysaa in loogu tala galay in aad loo faafiyo, oo wuxuu leeyahay "walaalayaal soo aqriya oo si deggan uga fekera" sida dhammaadka aad ku arki doonto.
Qofka su'aalaha soo diyaariyayna muujin maayo inuu gaal yahay, ee wuxuu isu muujiyay inuu xaq doon yahay.
Wuxuu la magac baxay Xakiim Yare, emailkiisuna waa xigmadraadi@yahoo.com
Su'aalihi waan ka jawaabay, waanan garanayay ninka su'aalaha qoray inaanu islaam ahayn ee waxaan moodayay inay saameeyeen shubhooyinka gaaladu faafiso, oo uu saa diintiisi uga shakiyay, kaddibse waxaan ogaaday inuu gaal kirishtaan ah yahay, dadkana uu saa ugu yeero markii cabbaar sheekadu u socoto.
Marka horase qofka wuxuu ku khaldaa su'aalahan loo muujinayo in xuquuqul insaanka la daryeelayo.
Xuquuqul insaanka waxaa laga dhigtay wax qofka difaaciisa lugu jebiyo, loogana dhigo mid u nugul baadil kasta inuu aqbalo.
Sida aan ku
ogaaday inuu ninkani kirishtaan yahay mar kale ayaan ka hadli doonaa,
haddii Alle idmo.
Su'aal walbana jawaabteeda ayaa raacsanaan doonta:
Ninka Xakiim
Yare isku magaabay wuxuu yiri:
1. Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?
Jawaab:
Alxamdulillaahi Rabbilcaalamiin.
Arrintaa laba dhinac baa laga fiirinayaa:
-Dhinaca hore ma bannaana in diin laga dhigto waxaan ahayn diintii islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo dejiyay, aakhirana qofka wax kaloo laga aqbalaayaahi ma jiraan oo aan islaamka ka ahayn, qofkaan islaamka soo raacinna waa ahlunaar.
-Dhinaca kale haddii dawladda islaamku ay xoog leedahay oo ay gaalada la jihaaddo saddex arrimood bay u soo bandhigeysaa dadka inay soo islaamaan hadday diidaanna jizya dhiiba la yiraa haddii ay diidaanna lala dagaallamo.
Haddii la tabar daran yahay waxaa noo furan inaan xaqa ugu yeerno si xikmadi ku jirto haddii dood loo baahdana si wanaagsan loola doodo.
Marxaladdan danbe Allaah dartiis baan u neceb nahay gaalada laakiin haddaannaan tabar lahayn isku taagi mayno, haddaaney waddammadeenna nagu soo gardarreysan.
Haddii aad I weydiiso maxaa u daliila nacaybka aad sheegeyso maadaama aanay diin ahaan noola dagaalsanayn.
Waxay jawaabtu noqonaysaa: Allaah wuxuu yiri:
(Heli maysid qolo Allaah iyo maalinta qiyaama rumeysan oo haddana jecel kuwa Alla iyo Rasuul la collaytamay aabbayaalkood ba ha ahaadeene) aayadda dhammaystir, [Suuratul Mujaadalah:22]
Rasuulkeennuna wuxuu yiri:( Guntimaha iimaanka waxaa ugu adag in Alle dartii wax loo jeclaado Alla dartiina wax loo noco) Waana xadiith ay xadiithya kale xoojinayaan oo sidaas xasan ku ah, waxaa weriyay Imaam Axmad iyo Qeyrkiiba.
Haddii xorriyadda laga wado
inay waddammada islaamka diintooda baadilka ah ka faafiyaan taa looma
oggola xaqna uma lahan, xorriyadna ma ahane waa xadgudub lugu xadgudbayo
xaqa ay muslimku u leeyihiin inay Rabbigood caabudaan oo aan diintooda
laga fitmeyn.
2. Diinta Islaamku ma ogoshahay inuu qofka Muslinka ahi intuu diintiisa iska dhaafo uu qaato diintii kale ee uu markaas isagu run u arko amaba jecleysto?
Jawaab:
Maya, marka hore la qasbi maayo qofka oo waxaa loo baahan yahay inuu Islaamka soo galo isagoo aad uga fiirsaday oo aanay ka qarsoonayn qofka ka baxa diinta waxa mudankiisu yahay.
Xikmadda qofka diinka ka baxa
loo dilayo waxay tahay in diin ka noqoshada macnaheedu yahay qof ama
koox ka baxda xiriirkii Islaamka, taasina waxay ka dhigan tahay isagoo
ku dhawaaqaya: Dadow marki aan diintan galay oo aan tijaabiyay waxaa
ii soo baxday inaanay wanaagsanayn oo wixii horee aan ku jiray ay ka
wanaagsan yihiin, taasina waxay la mid tahay diintiyoo la caayay lana
xaqiray, waxayna gogolxaar u tahay qofkii raba inuu ka siibto diinta,
waxayna sabab u noqonaysaa kala daadashada xiriirki Islaamka, marka
haddii aanan arrintaa loo samayn wax dadka ka celiya ka joogi maayaan,
waxa ugu weynee arrintaa ka celin karaahina waa dhimasho ka baqiddeed,
marka dil baa ciqaabti noqotay sida uu Rasuulkeennu yiri: "Qofki diintiisa beddela dila" #1
si uu qofku marka horeba diinta u soo galo isagoo ka baaraan degay, oo aanu qofna uga bixin markuu soo galo ka dib, arrintaasina qeyb kama ahan isku qasab diinta la isku qasbayo, taasoo aan sharcigu oggolayn
in dadka diimahooda qasab looga soo saaro islaamkana qasab lugu soo
geliyo, tani taa way ka duwan tahay oo qofka waxaa lugu qasbayaa inuu
Islaamki ku baaqi noqdo.
Mana jiro nidaam ama xukuumad oggol in dadku waxay doonaan sameeyaan oo uu tusaale ahaan qofku jaasuus dowlad kale u noqdo, Waxaana dhici karta waxyaabaha noocaasoo kalaa inuu dil iyo wax la mida ku muto.
3. Maxaynu ku aqoonsan karnaa inay diinta islaamku diin runa tahay?
Jawaab:
Waxaynu ku aqoonsan karnaa siyaabo badan, waxaana ka mid ah in la sugo Nebinnimada Nebi Muxammad in ay run tahay, haddii taasi sugnaatana aan fiirinno waxa diimaha kale uu ka yiri iyo sida uu ula dhaqmi jiray dadkooda.
Hadduu xaqu caddaadana wixii ka soo horjeedaahi waa baadil waxba kama jiraan ah.
Nabi Muxammad wuxuu ku dhashay magaalada Maka , waa nin abtirsigiisa la yaqaanno, dad sharaf lehna ka dhashay oo wanaag lugu yaqaannay.
Ma uusan ahayn nin wax qora, ama wax meel ku qoran aqriyi kara.
Allaah kaliya buu caabudi jiray.
Marbaa isagoo godka buurta Xiraa ku yaallay Alla ku caabudaya Rabbi Malaku jibriil waxyi ugu soo dhiibay oo quraankii ugu horreeyey ku soo degay.
Quraanku wuu ka sarreeyaa hadalka dadka markaad dhinac walba ka fiiriso.
Heerka aftahannimada, macnayaalka sarreeya ee uu xambaarsan yahay markuu Allaah ama axkaamta sharciga ka hadlayo labadaba.
Sidoo kale wax hore u dhacay ama dhici doona marka uu si tifatiran uga hadlo iyadoo uusan duulal kale ka maqal, Illeen dadki diimaha kale u abtirsanaayay Maka ma aanay degganayn, Markaasuu wuxuu ula yimid dadkii wax waafaqsan wixii Nabiyadii hore sheegi jireen oo aanu ogaan karin qofaan Nabi ahayn ama aanu Nabi u warramin.
Marka isagu Nebi kale wax kama qaadan, kuwa Nabi ka maqlayna sooma gaarsiin, haddaba waa inuu isagu Nebi Alla soo diray yahay.
Qofka su'aashan weydiinaya waa laba mid
-Inuu yahay nin rumeysan soo diridda Nabiyada Alle sida Ibraahiim u, Muuse u, Ciise u, ninka su'aasha weydiiyay hadduu sidaa yahay waxaan ku leennahay ma dhici karto inaad Nabinnimada kuwaa aad rumeyso ta Nabi Muxammadna aad diiddo, sababtoo ah wax Alla wixii aan ku sugnay Nabinnimadooda wax ka sarreeya oo ku tusiya Nabinnimadiisa ayuu la yimid oo ah calaamado daliil u ah arrintaa, mucjisooyin aan dadku la imaan karin ha noqoto oo dadku arkeen si tawaatur ahna noo soo gaartay ama ha noqoto quraanka uu la gaar noqday ee ka sarreeya mucjisooyinkaa, dadkuna way og yihiin carab iyo cajamba in quraankan oo kale aan la arag, aad bayna ugu dadaaleen carabti iyo qeyrkoodba inay wax la mid ah isku dayaan la imaashihii waana ku fashilmeen, hadday la imaan karaanna way la imaan lahaayeen markii lagu yiri suurad la mid ah keena, inay dagaallamaan bayna ka door bideen, qofkuna isagoo dantiisa si fudud ku gaari kara sida dhibka badan dooran maayo.
Marka maadaama uu la yimid wax Alla wixii tusinaayay nabinnimadiisa ma jirto sabab loo yiraa iyaguna nabiyo Alle soo diray bay ahaayeen isaguna ma ahan.
Maxaa yeelay waxaa la ogsoon yahay in dadka noo soo guuriyay waxa Nabi Muxammad dadka ugu yeeri jirey ee diin iyo shareeco ah noona soo guuriyay mucjisooyinkii Alle ku xoojiyey in dadkaasi ay ka badan yihiin kana weyn yihiin dadkii noo soo guuriyay wixii Nabi Muuse u iyo Nabi Ciise u ay dadka ugu yeerayeen ama ay la yimaadeen ee mucjisooyin ahaa .
Diinkii uu Nabi Muxammad la yimidna waa uu ka weyn yahay kay la yimaadeen, bal taa iska daaye qofkii caqligiisa ku fiiriya waxay muslimiintu haystaan ee cilmi naafica ah iyo camal wanaagsan lana barbar dhiga waxay Yahuud iyo Nasaaro haystaan wuxuu ogaanayaa in farqi aan la soo koobi karin u dhexeeyo.
Haddii aad fiiriso Caabudidda ay muslimiintu Alle ku kali yeeleen iyo aqoonta ay u leeyihiin magacyadiisa iyo tilmaamihiisa iyo malaa'igtiisa, Nabiyada Alle iyo Rusushiisa, aqoonta ay u leeyihiin aakhiro iyo tilmaanta jannada iyo naarta, abaalmarinta iyo ciqaabta dambe, waxaasoo dhami way ka weyn yihiin waxay Yahuud iyo Nasaaro haystaan.
Sidoo kale salaadaha shanta ah iyo kuwa sunnada, Sakada iyo soonka, xajka iyo adkaarta iyo ducooyinka ay muslimiintu isticmaalaan oo ay yaqaannaan, siday wax u kala gadanayaan, isu nikaaxsanayaan, danbiilayaasaha ciqaabtooda iyo xuduudda laga oofinayo sharciga ka yaal intuba way ka sarreeyaan waxa ahlu kitaabku haysto.
Muslimiintu way uga sarreeyaan cilmi kastoo naafica iyo camal kastoo wanaagsan, waxaanan ka hadlaynaa cilmiga iyo camalka aakhiro wax anfacaya, kan adduunyada ku saabsan mid aakhiro wax ku taraya ma ahan haddaan loo kaalmeysan wixii aakhiro wax ku tarayey. Qofkii ku dadaala ee asbaabtiisa raaca ayaana loo sakhiraa ama mulxid ha noqdo ama diin ha sheegtee.
Ruushku markuu shuuciga ahaa diin ma aanu sheeganayn teknoolajiyadana waa uu ku horreeyey, Shiinuhuna ilaa iyo hadda waa shuuci diin laaway ah cilmiga adduunka iyo sancadana wuu ku horreeyaa. Japan iyo Hindiyana diin Alle laga soo dejiyaan heysannaa ma dhahaan oo waa mushrikiin majooritigoodu kala haysto budhism iyo hindusm.
Muslimiintuna waxay isku waafaqsan yihiin in hanuun kasta iyo kheyr kasta oo diineed oo ay haystaan uu sabab ugu yahay Nabi Muxammad sidee bay ku suurtoobeysaa inay Muuse u iyo Ciise u Nebiyaal yihiin Muxammadna aanu Nabi ahayn, Yahuud iyo Nasaarana xaq ku taagan yihiin, Muslinkuna aanu diin saxa haysan iyadoon ogaannay in diinta xaqa ah iyo hanuunka ay haystaan uu ka weyn yahay waxa yahuud iyo nasaaro haysato, diintaa wanaagsanna waxay ka qaateen Rasuulkoodii Muxammad ahaa .
Intaa qof kastoo caqli lihi oo yuhuud iyo nasaara ka mid ahi waa uu ictiraafsan yahay , laakiin kuwaan xaqaa raacin waxay naftooda ku maaweeliyaan carabta uunbaa loo soo diray, ahlukitaab looma soo dirin, haddii carabta diinkoodu xaq yahay annana keennu waa xaq oo waddooyinka Alle ku gaarsiiyaa way badan yihiin, waxayna leeyihiin diimahani waa afarta mad-habood oo kale.
Shubhaddaasi inay baadil tahay way caddahay, maxaa yeelay sida aan u hubno inuu mushrikiintii carbeed diinka ugu yeeray ayuu sidoo kale sidaa si la mid ah ahlu kitaabka uga dalbay inay Nabinnimadiisa rumeeyaan, wuuna la jihaaday siduu ula jihaaday mushrikiinta. Wuxuu ku jihaaday yahuuddii Madiina degganayd iyo kuwii kheybar degganaa, sidoo kale Nasaaradii buu nafsad ahaantiisa jihaad ugu baxay dagaalkii tabuuk, sidoo kale colalna waa uu u diray, waxaana dagaalkoodii ku dhintay ina adeerkiis Jacfar ibnu abii daalib iyo Zayd ibu xaarithah oo uu labadaba aad u jeclaa, sidoo kale wuxuu jizyo ku xukumay sidaana raalli ku noqday Nasaaradii Najraan degganayd markay u caddaatay inuu Nabi yahay kana cabsadeen inay la habaartamaan.
Sidoo kale khulafadii isaga ka danbeysay ahlu kitaabkii bay la jihaadeen, wixii la dagaallamayna way la dagaallameen, wixii jizya oggolaaday iyagoo dulleysanna way ka qaadeen.
Quraankana waxaa ka buuxa farid la farayo ahlukitaabka inay Nabi Muxammad raacaan, wuuna gaaleysiiyay kuwaan raacin una gooddiyay oo lacnaday si la mid ah sidii uu mushrikiinta ka yiri.
Quraankana lama soo koobi karo inta jeer ee ay ku soo aroortray ( Yaa ahlal kitaabi ) ( yaa banii israa'iila)
Waxaa Alle uu ku yiri Rasuulka ( waxaad tiraahdaa Dadow Rasuul baan idiin ahay la ii kiin soo diray dhammaantiin)[Al acraaf : 158]
Axaadiithti ka ansaxday Rasuulkeennana waxaa ka mid ah: (Waxaan ku dhaartay Allihii nafteydu gacantiisa ku jirtay e ima maqlo qof ummaddaan ka mid ah yahuud ama nasaaro haddana aanu i rumeynin illaa hadduu jiro wuxuu galayaa naarta).
Macnaha xadiithkanina waa mutawaatir.
Marka haddii arrinku sidaa yahay waxaa soo baxaysa oo lama huraan ah in dadkoo dhan loo soo diray; maxaa yeelay isagaa qarriray inuu rasuul u yahay ahlukitaabka iyo qeyrkoodba; Rasuulka Allena been ma sheego, dadkana kulama dagaallamo inay adeecaan iyadoon Alle sidaa amrin, dhiiggooda iyo xoolahoodana ma bannaysteen iyadoon Alle u idmin.
Haddii ay caddaatay inuu Nabi yahay waxaa soo baxaysa in waxa uu Alle xaggiisa nooga sheegay ay xaq yihiin, hadduu Rasuulkii Alle yahayna waxaa waajib ah in lugu adeeco wax kastoo uu na faro, hadduu noo sheegay in ahlukitaabka loo soo diray oo ay waajib ku tahay inay isaga adeecaan arrintaasi waa xaq. Qofkiise qira inuu Rasuul Alle yahay misana diida in ahlukitaabka uu Rasuul u yahay wuxuu la mid yahay qof yiri Nabi Muuse u Rasuul buu ahaa Haddana Alle ma farin inuu dhulka shaam galo ama reer banii'israa'iil masar ka saaro, Allena arrinkaa ma farin, sidoo kalena ma farin inuu maalinka Sabtida ah xushmeeyo, towreedna luguma soo dejin, Allana buurta Duuru siinaa kalama hadlin, ama wuxuu la mid yahay nin yiri Nabi Ciise u Rasuul buu ahaa reer banii'israa'iilna looma soo dirin, kumana aanay waajib ahayn inay adeecaan, yuhuuddana wuu dulmiyay iyo hadalllada noocaas oo kale ah ee gaalnimo tii ugu xumayd ah.
Intaa ka dib, Yuhuud iyo Nasaaro asalka diinkoodu wuxuu ahaa xaq, laakiin labadaba way bedbeddeleen waana la nasakhay, maxaa yeelay yuhuuddu waxbay ka beddeleen kitaabkooda ka dib wixii shareecadooda ka soo harayna waxaa wax ka mid ah nasakhay Nabi Ciise u, Nasaarana sidoo kale way bedbeddeleen, ka dibna labada diimoodba waxaa nasakhay oo lugu beddelay diinta Islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo dejiyay.
Kitaabbaha ay heystaan ahlukitaabka laftooda ayayba ku caddahay inay wax beddeleen lana nasakhayo, waxaa kaloo kutubtooda ku cad in nebinnimada Nebi Muxammad ay sax tahay oo waxaa ka buuxa bishaarooyin nebigeenna tilmaamaya. Bal eeg Bibleka kitaabka tathniya la yiraa, baabka 33aad jumlada 2aad tarjamada carabiga ah (Alle wuxuu ka soo daahiray buurta Duurusiinaa, wuxuuna ka soo ifay Saaciir wuxuuna si aada uga soo ifay buuraha Faaraan) labada hore waxaa lagu tilmaamayaa Nabi Muuse u iyo Nebi ciise u tan saddexaadna waxay tilmaameysaa Nebi Muxammad Faaraan inay Maka tahayna waxaa kuu caddeynaya waxa ku jira Bible ka buugga Takwiin baabka 21aad jumlada 21aad tarjamada carabiga( Ismaaciil u wuxuu degay berriga Faaraan), waxaana sii caddaysay Towreedda saamira oo xijaaz ku sii dartay.
Nabi Ismaaciil u wuxuu ku barbaaray Maka, markii aabbihii Nabi Ibraahim u halkaa uga tegay asaga iyo hooyadii Haajara.
Taasina waxay ka mid tahay xikmadaha loo oggolaaday in jizyo laga aqbalo ahlukitaabka, maxaa yeelay waxay hayaan maragyo badan oo tusinaya nabinnimada Nabi Muxammad , waxaa kaloo kutubtooda ku yaalla waxyaaba badan oo caddaynaya inuu Nabi Muxammad la yimid wax la mid ah wixii ay Rusushu la iman jireen oo Allaah rumeyntii iyo yawmulqiyaamaha, towxiidkiisa iyo tilmaamihiisa intaba ah.
Waxaa kaloo kutubtooda ka buuxa waxyaaba is diiddan iyo khilaafyo waaweyn oo caddeynaya in wax beddelaadu dhacday.
Hadduuse yahay qofka su'aasha weydiinayaa qof aan rumeysnayn Nabiyada oo marka horeba diiddan mabda'aa hadalkiisu si kale ayuu noqonayaa, oo waxaan leennahay bal is barbar dhig dadka diimaha haysta iyo duulalka kale waxaad arkeysaa in diinlaawayaasha lagaga wanaagsan yahay cilmiga naaficaa iyo camalka saalixaa, kheyr kastoo ay haystaan dadka diimaha sheeganaya ee aan muslimiinta ahayn mid ka dhammeystiran oo ka wanaagsan bay muslimiintu haystaan, dadka diimaha u abtirsada guud ahaanna waxay haystaan waxaanay haysan kuwa diinlaawayaasha ahi, maxaa yeelay cilmiga iyo camalku waxay u qaybsamaan labo:
Nooc caqliga bani'aadamka lugu gaaro sida xisaabta, caafimaadka iyo farsamooyinka kale. Arrimahaasi ahlu diinkuna way haystaan sida kuwa kaleba u haystaan, iyagaanaba kaga fiican diinlaawayaasha. Oo culuuntii faylasuufyada Giriigga iyo Indiya , iyo culuuntii Faaris iyo Roomaanka markay soo gaartay muslimiinta way hagaajiyeen oo horumariyeen hufeenna , wixii ay ka qoreenna waa uu ka cad cad yahay kana dhammeystiran yahay wixii dadka kale heysteen.
Yurubtuna muslinkay u xereysteen oo ay ka barteen culuumta dabiicigaa waagii Andalus muslimku xukumaayay, oo iyagaaba kitaabbo ka qoray ay arrintaa kaga warramayaan.
Nooca labaad waa midka aan caqliga oo kaliya lagu ogaan karin, waana culuunta Alle ku tacalluqda iyo diinta, waxayna ku gaar tahay dadka diimaha sheegta, qeybo ka mid ahna xujo caqliya waa lugu burhaamin karaa, oo Rusushu dadka way hanuuniyeen oo waxay ku baraarujiyeen in caqliga toosani arrimahaa ku tusinayo, marka waa arrimo sharcina ah caqlina ah, oo tusaaleyntoodi iyo caqli celintoodi bay arrimahaasi ku noqdeen kuwo caqliga lugu garan karo.Culuumtaas baana lugu ogaanayaa in waxa uu Nabi Muxammad la yimid ay sax tahay, iyo in waxa khilaafsani ay baadil yihiin.
Wixiise aan lugu ogaan karin waxaan ahayn khabarka Rususha taa waxaan ku ogaaneynaa wejiyo kala duwan:
Waxaana ka
mid ah isku waafaqidda ay Rusushu isku waafaqday sheegidda arrinkaa
iyagoon is ogeyn, qofka wax sheegaayaa waa laba mid #2
uun inuu ku run
sheego hadalkiisa oo uu xaqiiqadi waafaqsan yahay, ama inaanay saa ahayn,
haddaanu warkiisu waafaqsanayn dhabta jirta, ama been buu u bareeray
ama waa uu gefay, haddii aan ka soo qaadno inaanu jirin gef iyo ulakac
midna hadalkiisu wuxuu noqdaa run.
Waxaana la og yahay in haddii qofi ka warramo culuum fara badan oo faahfaahin badani ku jirto qof ka horreeyeyna uu waxaa laftooda sheegay iyadoo aan hubno inaanay arrintaa ku heshiin oo wax been laga sheegi karana aanay ahayn, arrintaasi waxay noo faa'deysaa cilmi la hubo.
Waxaa la og yahay in Nebi Muuse u uu sheegay wixii uu sheegay intaan la soo bixin Nabi Ciise u iyo Nabi Muxammad labadaba.
Wuxuuna og yahay qof walboo ka warqaba xaalka Nabi Muxammad inuu ku barbaaray dad aan wax qorin waxna aqriyin aqoonna u lahayn culuuntii Nabiyadii hore , mana aanay la joogin dad garanaya wixii Towreed iyo Injiil ku yaallay.
Wuxuuna nooga warramay Nabi Muxammad towxiidkii Alle, tilmaamihiisa, magacyadiisa, malaa'igtiisa carshigiisa iyo kursigiisa, Nabiyadiisii iyo Rusushiisii, iyo xaaladahoodii iyo xaaladaha kuwii beeniyey, wuxuu arrimahaas nooga sheegay wax la mid ah wixii ku yaallay kutubtii nabiyada ee Towreed iyo qeyrkeed ba ah.
Qofkii aad ugu fiirsada Towreed iyo Quraanka wuxuu ogaanayaa inay meel ka soo wada bexeen sidii uu Najaashi sheegay, iyo sidii uu yiri Waraqa bin Nowfal: Kani waa Naamuuskii (Malaku Jibriilkii) Muuse u u imaan jiray.
Sidoo kale dadkii beeniyey Rususha, Alle wuu cadaabay si aan shaki ku jirin bayna nugu soo gaartay, cadaabkii qaar badan oo ka mid ahna raadkiisii baaba ilaa iyo hadda wax ka dambeeyaan, taasoo ku tusineysa in Rusushu ay ku taagnaayeen xaq uu Alle jecel yahay oo uu Raalli ka yahay, dadka beeniyayna ay baadil ku taagnaayeen Alla uu neceb yahay dadkiisa, sidoo kale in Rususha adeecidda la addeecaa ay tahay adeecid Alle la adeecay, caasinta la caasiyaana ay tahay Alle oo la caasiyay.
Waxaa kaloo
ku tusinaaya xaqnimadooda in la ogaado mucjisooyinkooda waaweyn ee tawaaturay,
aanayna suurta gal ahayn inay mucjiso ka soo daahirto ku nabinnimo sheeganaaya
oo haddana been sheegaaya iyadoo isburinna aanay ku jirin lana mucaaradayn
oo qof wuxuu la yimid oo kale la imaan karaahina aanu jirin.
#2 Waa inti aanan ogaannin inuu kirishtaan yahay.
- Ahlu kitaabki waqtigiisa joogay maxay ka yiraahdeen Rasuulka (SCW)?
Jawaab:
Waxay bukhaari iyo muslim weriyeen in ninkii Hireqle la dhihi jiray ee xukumayey Roomaanka uu Abuusufyaan oo markaa gaal ahaa dhulkaasna ganacsi u tegey uu u cid diray markuu u yimidna su'aalo weydiiyey:- Sidee buu dhexdiinna ku yahay dhalasha ahaan?
Hiraqle wuxuu ku yiri ninkii u tarjumayey waxaad ku tiraahdaa: waxaan ku weydiiyay nasabkiisa, waxaad ii sheegtay in nasabkiisu wanaagsan yahay, Rassuullada Alle waa sidaa, waxaa laga soo saaraa nasab wanaagsan.
Waxaan kaloo ku weydiiyay hadalkan ma looga horreeyey, waxaadna sheegtay inaan looga horreyn. Haddii looga horreyn lahaa waxaan dhihi lahaa waa nin uun ku dayanaaya hadal looga horreeyey.
Waxaan kaloo ku weydiiyay aabbayaalkii wax boqor ahaa ma ku jireen, waxaadna ii sheegtay inaanay ku jirin, hadday ku jiri lahaayeen waxaan dhihi lahaa waa nin doondoonaya boqortooyadi aabbayaashii.
Waxaan kaloo ku weydiiyay been ma ku tuhmi jirteen, waxaad tiri maya, waxaan ogsoonahay inaanu iska ilaaliyeen dadkoo been loo sheego misana uu Alle ku been abuurto.
Waxaan kaloo ku weydiiyay ma dadkii madaxda ahaabaa raacay mise kuwa danyarta ah, waxaadna igu tiri maya e waxaa raaca kuwa danyarta ah. Waana kuwa Rususha raaca.
Waxaanan ku weydiiyay ma sii badanayaan mise way sii yaraanayaan, waxaadna igu tiri wey badanayaan. Iimaankana sidaabaa lugu yaqaannaa ilaa uu ka dhammeystirmo.
Waxaan kaloo ku weydiiyay ma jiraa qof diinta nicid uu nacay uga baxay waxaadna ku jawaabtay maya, Haddaba iimaanku waa sidaa marka ay laabtu u furanto oo uu qalbiga dhexgalo qofna nici maayo.
Waxaan ku weydiiyay ballanka ma jebiyaa, waxaadna tiri maya. Haddaba Rusushu waa sidaa ballanka ma jebiyaan.
Waxaan kaloo ku weydiiyay muxuu idin faraa, waxaadna sheegtay inuu idin leeyahay Allaah kaliya caabuda, cibaadadana duulal kale ha la wadaajinnina. Waxaadna sheegtay inuu idinka reebayo sanamyada la caabudayo idinna farayo Salaad iyo Run iyo dhowrsanaan.
Haddaba haddii arrintu tahay sidaa aad u sheegeyso halkan aan joogo isagaa hanan doona, waanan garanayay inuu Nebi soo bixi doono umase maleyneyn inuu idinka idinka soo baxayo, haddii aan ogahay inaan gaari karo waan u dhib mudan lahaa inaan la kulmo, haddii aan la joogana cagahaaban u dhaqi lahaa ixtiraamid aan ixtiraamayo darteed.
Nabi Muuse u iyo Nebi Ciise u labadaba reer banii'israa'iil oo kaliyaa loo soo diray, oo diinkoodu marki horeba ma ahayn mid dadkoo dhan loo soo diray oo Nabiyada dadyowgooda uun baa loo soo diri jiray, diintan Islaamka uun baana mid guud Alle ka dhigay sida uu Nabigeennu yiri: (( Nabiyada shan waxyaabood baa la iiga faddilay ……waxuuna ka sheegay-: Nabi walba ciddiisa uunbaa loo soo diri jiray anigana dadkoo dhan baa la ii soo diray)).
Iyadoo ay saa tahay bay Nasaaradu diinkoodii wax badan ka beddeleen.
Nin Paul la dhihi jiray baa beddelay diintoodii waxuuna sheegtay in Nabi Ciise u uu Alle yahay ama ina Alle, adduunkanna uu u yimid in la daldalo oo la cadaabo si uu dadkoo dhan u badbaadiyo, danbigii aabbeheen Nabi Aadam dartii.
Iyadoo aan garanayno in Nabi Aadam isaga iyo Xaawaba ay Alla u toobad keeneen, Allana uu u dhaafay danbigii ahaa geedka ay jannada ku cuneen iyadoo laga reebay.
Teeda kale Alle wuxuu Quraanka noogu sheegay inaanay nafi naf kale danbigeeda qaadin, haddaanay sabab u ahayn dadka ay dhumiyeen, oo qof walba mas'uuliyad gaar ah ayaa saaran.
Waa yaabe Alle ma wuusan awoodin dadka inuu u dambi dhaafo iyadoon dhibkaa la marin, ma waxaase la aqbali karaa in Allihii adduunkan abuuray maamulaayayna la yiraa dhulkii buu u soo degay oo rixim naageed buu galay oo sagaal bilood ku jiray ka dibna caadi baa loo dhalay, naasna waa uu nuugay, waxna waa cunaayey waxna waa cabbaayey, waa yaabe adduunka yaa maamulaayey muddadaa.
Wayna caabudaan Nebi Ciise u iyo Hooyadiis ba, waxna way weydiistaan oo shirkigaas bay diin ka dhigteen, Islaamka iyo Caqliguna waxay noo sheegayaan kan cibaadada kaa mudan inuu yahay kan ku abuurtay ee ku arzuqa.
Yuhuudduna kitaabkooda way beddeleen oo been abuurad badan bay sameeyeen, sida Alle Quraanka noogu sheegay[xisibka labaad billowgiisa fiiri] Rabbigood tilmaama xun bay ku sheegeen, waxay leeyihiin markuu caalamka abuuray waa uu daalay markaasuu nastay, waxay kaloo yiraahdeen markii Alle dadka abuuray buu ka shallaayay abuurkaas, wuxuu kaloo ka shallaayay bay leeyihiin markuu biyaha ku garriqay dadkii Nabi Nuux ku gaaloobay.
Iyadoo Nabi Muuse u la joogo ayay yiraahdeen sanamyo noo samee, markuu ballankii Alle u baxayna dibi bay caabudeen.
Anbiyadii Allena qaar ka mid ah waxay ku sheegeen inay khamri cabbeen, sinaysteen, dil khaarijis ah oo dulmiya geysteen iwm.
Anibyadii qaar bay laayeen, qaarna way beeniyeen, waxyaaba badan oo laga xarrimayna xeelad bay ku bannaysteen.
Rabbina waxay ka dhigeen mid ayaga u gaara oo aan caalamka kale shuqul ku lahayn.
Haddii
diintii yahuudda iyo tii Nasaarada xaalkeedu sidaa yahay kuwa kalena
kaba sii fog.
4. Qofka Islaamka ahi af kale amaba luqad kale oo aan carabi ahayn ma ku tukan karaa? Jiho kaleeto oo aan Makka ahaynse ma u jeesan karaa marka uu tukanayo?
Jawaab:
Luqaddu waa isku xire, waxaana ka mid ah hagaajintii uu hagaajiyay islaamku muslimiinta diin ahaan iyo bulsho ahaanba inuu ka dhigay luqadda guud ee diinta mid ay ku mideysan yihiin muslimiintu, oo Islaamka la'aantii luqadda carabigu ma waarteen oo sida luqadaha kaleba u dhalan rogmeen ayay u beddelmi lahayd.
Sidoo kale haddaanu carabigu jirin fahamka diinta ayaa lugu kala fogaan lahaa oo waxaa la noqon lahaa diimo kala duwan oo midba midda kale gaalnimo ku xukumayso.
Luqadda Carabiguna kuma gaar ahan dadka ka soo farcamay odaygii Yacrub ibnu qaxdaan ahaa ee waa luqad muslimiinta ka dhexeysa.
Qofkuna sidii la rabay Islaamka uguma adeegi karo haddanu Carabiga aqoon u lahayn.
Naxwaha Carabiga waxaa looga dambeeyaa nin persian (reer faaris) ahaa oo lagu magacaabi jiray Siibawayhi.
Cilmiga Xadiithkana waxaa looga dambeeyaa Bukhaari oo aan isaguna carab u dhalan.
Taa waxay ku gaareen niyad wanaaggoodii iyo cilmigii oo ay waddadii saxda ahayd u mareen, mana gelin casabiyad isir oo ma aanay dhihin maxaa diintu luqaddeenna ugu soo degi weyday.
Kolley luqad uunbaa la dooran lahaa, Carabigii bayna noqotay, waana luqad mudan inay islaamkii xambaarto, sababta oo ah waxay kulansatay aftahannimo iyo mug weyni.
Qolo unbaana diinta billowga hore ka qaadan lahayd Rasuulka, Carab bayna noqdeen, iyaguna dadka diinta way sii gaarsiiyeen, qolooyinkii u baahday in wax loo tarjumana waa loo tarjamay, ummada kale oo badanna carabigii bay barteen oo luqadoodii noqday.
Haddaan u soo noqonno su'aashii: Culimada islaamku waxay isku waafaqsan yihiin in quraanka Carabi lugu aqriyo, adkaarta salaadduna ay carabi ahaato, salaadduna af kale kuma ansaxeyso.
Allana dadka kuma kallifin waxaanay awoodin oo haddii ay daruuro timaaddo Xukum gaar ah ayay leedahay.
Kacbada in loo jeedsado Allaa quraanka nugu amray oo yiri: Meel kastood joogtaan kacbada dhinaceeda u jeesta, arrin doordoorasho aan u leennahay ma ahan ee waa cibaado, qofku hadduu xorriyaddaa isi siiyo waa nin iska ciyaaraya, haddaanu aqbalin amarka Alle oo uu ka horyimaado islaannimada waa uu ka xarig furtay.
Marka walaalayaal Xaasidnimo aan dad xasdayno iyo isla weyni yaannaan diinteennii ku waayin, diintan qofi nagama xigto, sharfteennuna iyaday ku jirtaa, waana mid aannu ugu dhowaanayno Allihi na abuurtay ee na lahaa.
Sheydaankuna cadow buu noo yahay oo wuxuu isku deyayaa sidii uu naarta noogu jiidan lahaa, marka aynu ka foojignaanno.
5. Diintu waxay inoo sheegeysaa in qofku markuu afartan maalmood uu uurka hooyadii ku jiray uu ilaahay u qoray qofkaas janno iyo cadaab halka uu gelayo. hadaba maxaa faa'iido ah ee ay leedahay qofka camalada diiniga ah ee uu sameeyaa mar haddii janno iyo cadaab meesha uu qofkaasi tegayo hore loogu sii qoray?
Rasuulkeenna markii la weydiiyay maxaan ka camalfalaynaa marba haddii hore naloogu qoray meesha aan tegeyno, wuxuu ku jawaabay: Camal fala, maxaa yeelay qof walba waxaa loo fududeeyey wixii loo abuuray e.
Rusushii Alle soo diri jiray dhammaan waxay isku waafaqsanaayeen in la camal falo oo aan qaddarka marmarsiyo laga dhigan, sababta oo ah qadarku wuxuu xiriir la leeyahay cilmiga Alle iyo awooddiisa, In la yiraa waxaa caalamka ka dhacaya wax aanu Alle hore u ogeyn ama la yiraa waxa caalamka ka dhacaya wuxuu ka baxsan yahay awoodda Alle, labaduba waxay meel ka dhac ku yihiin tilmaamihii Alle uu lahaa iyo dhammeystirnaantiisi.
Cilmigii Alle uu hore wax u ogaana ma ahan mid qofka qasbaya oo qof walba Alle wuxuu siiyay awood iyo doonis uu wax ku sameyn karo, iyada uunbaana lagula xisaabtamayaa qofka.
Waxaa xusid mudan in xadiithka su'aasha laga keenay ay ku jirto in horay risqiga qof walba loo sii qoray, mana hayno qof dhahaya gurigeyga ayaan fadhinayaa risqina doondooni maayo oo wixii la ii qoray halkayga ayay iigu imaanayaan.
Marka maadaama adduunyadii aan qiimaha sidaasa Allaah agtiisa ku lahayn dadkii aanay gaareynin inay sabab la yimaaddaan moogiye, maxaad u maleyneysaa aakhiro iyo jannadii qiimaha badneyd ma waxaa lugu gaari karaa in meel la fariisto.
Allaah wuxuu quraanka noogu sheegay: (Jannada waxaannu dhaxalsiinaynaa qofki Allaah ka cabsada oo xumida ka dhowrsada)[Suuratu Maryam:63].
Marka jannada la galana Alle wuxuu ku dhihi doonaa dadkeeda: (Tani waa jannadii la idinku dhaxalsiiyay waxaad sameyneynseen sababteed) [Suuratul Acraaf:43].
Culimada islaamka qaar ka mid ah ayaa waxay ku dhihi jireen dadka shubhadaanoo kale keena: adigu marka aad nicmo heshana qadari baad tahay oo ma qiraysid qaddarka Alle, marka aad macsi samaysidna jabri baad tahay oo waxaad leedahay Allaa ii qoray.
Bal aan su'aal weydiinno ninka noocaasoo kalaa maxaad sameynaysaa marka qof ku dhirbaaxo ma u dulqaadanaysaa mise waad xanaaqaysaayoo ka aarsanaysaa, maad u dulqaadatid illeen waa wax horay loo qoray e.
6. Maxaa keenay inay dadka iyo dowladaha muslimiinta ahi dhammaantood ay aad uga cabsadaan, oo ay khatar u arkaan inay isku xukumaan oo ay dastuur ka dhigtaan shareecada islaamka tiiyoo ay hadana dhinaca kale rumeysanyihiin inay shareecadu tahay qowlkii Eebbe?
Jawaab:
Waxaan shaki ku jirin in isticmaarki dowladaha Muslimiinta gumeysan jiray uu aad uga shaqeeyey sidii looga fogaan lahaa sharciga Alle in la isku dhaqo, wuxuu is bahaysi la sameysan jiray dad aan diinta ku fiicnayn oo laga caqiiddo fiican yahay iyagaasuuna dowladnimadii ku wareejiyey, waxaana yar dal arrintaa ka badbaaday.
Waxaana ku waajib ah qof kasta oo muslim ah inuu amarka Alle u hoggaansamo oo wixii Alle rumee uu yiraana uu rumeeyo wixii samee la yiraahdana uu aqbalo oo uu sameeyo ama madax ha noqdo ama dadweynee, madaxdase xil gaar ah baa sii saaran awoodda Alla siiyay darteed, waxaa laga rabaa inay munkarka inkiraan macruufkana dadka faraan, waxaana taa ka mid ah inay xudduuddii oogaan Alla markaa waa u naxariisanayaa oo haddii ay caddaalad dadka ku dhaqaan diintoodana ilaaliyaan Alle waa uu jeclaadaa raallina ka noqdaa qalbiga dadkana u soo jeediyaa oo dadkii baa Alle jecleysiiyaa markaasaa arrimuhu u fududaadaan haddii qasadkiisu wanaagsan yahay. Haddii kalese oo dantiisu tahay xoolo hel awooddaadana muuji dadkana istus Alle dadkuu ku diraa oo arrintaa waa lugu cadaabaa, waxaana aan ka hadleynaa qaddar ahaan ee ninka muslimka ah ee madaxda ah in lala dagaallamo sharcigu ma oggola, waxaa waajib ah in loo dulqaato haddaanu gaalnima cad la imaan amaba aanu salaadda ka tegin.
Hadduu xukumka Alle wax ku xukumi waayo qofka muslimka ahi isagoo aamminsan waxa uu samaynayo inay xaaraan tahay, aamminsanna, iltizaamsanna, aqbalsanna inay waajib ku tahay inuu xukumka Alle wax ku xukumo, laakiin uga tegay laaluush uu qaatay iyo wax la mid ah waa nin dambi aad u weyn ku dhacay laakiin diintuu ka baxay lama dhihi karo, oo waxaa jira dambiyo gaalnimo diintu ku sheegtay, haddana aan diinta looga baxayn, oo ahlusunnuhu waxay isu soo ururiyaan nusuusta dhinacyadeeda, ee hal dhinac uun kuma dhegaan, nusuusta dambiyada ka hadleysa waxaa hal il ku fiiriyay Khawaarijta iyo Murji'ada .
Meeshan aad leedahay (dadka iyo dowladaha muslimiinta ah dhammaantood) run kuma aadan sheegin, maadigaa afti ka qaaday oo soo xaqiiqsaday arrintaas. sidaa si ka duwan ayaan ognahay oo ah in qof kasta oo muslim ah uu jecel yahay in xukumka Alle wax lugu xukumo oo islaamnimadiisaa keenaysa sidaas, haddii hawo ka qaalib noqoto oo uu ku dhaqmi waayo sharciga wuxuu rumeysan yahay in uu sharcigiisii yahay.
Rasuulkeennu wuxuu noo sheegay : ((in bani'aadan oo dhammi uu gefaayo, waxaana dadkaa ugu wanaagsan kuwa Allaah u soo noqda))
Haddii la yiraa dadkii dambi ku dhaca diintay ka baxayaan oo naartay ku waarayaan taasi sow macneheedu ma ahan inaanay markii horeba diinka soo gelin baa u wanaagsanayd. Hadalkii uu baadil ka dhasho isaguna waa baadil.
Meesha aad leedahay (shareecadu waa qowlki Eebbe ) iska sax. shareecadu(Quraanka iyo Xadiithku) waa waxyi Alle soo dejiyey labaduba, laakiin Axaadiithtu waa waxyi xagga macnaha ah, waxaana ku hadlay Rasuulkeenna .
7. Maxay diinta Islaamku ninka ugu ogolaaneysaa inuu afar dumara guursado? Taasise miyaanay keeni karin masayr, is khilaaf, iyo murugooyin xanuun badan oo qoyska la soo dersa?
Jawaab:
Marka hore Allaa iska leh abuuritaanka iyo amar bixinta, illeen dadka isagaa abuurtay waxa u wanaagsanna yaqaanna.
Teeda kale ninka waxaa afar loo oggol yahay marka uu ku kalsoon yahay inuu xaqooda u istaagi karo, dulmi iyo caddaalad darrana isaga baqayn.
Midda kale ninka waxaa dhacda marar badan inaanay midi ku fillayn.
Marka maadaama Allaah uu sinada xaaraantinnimeeyay fasaadka ka dhalanaya awgii xagga nasabka iyo akhlaaqda iyo nidaamka qoysaska, ayaa haddaba waxaa habboonaatay in ragga u baahan hal wax ka badan loo furo albaabka.
Waxaa kaloo ka mid ah xigmadda loo jideeyay hal wax ka badan in laga fogaado furriinka haddaanay daruuro jirin, sababtoo ah wixii uu ka tabanaayey ta la joogta waxaa dhici karta inuu mid kale ka helo middanna gurigeedi u sii dhisnaaado.
waxaana la og yahay in haweenku ragga ka badan yihiin. Dhalashada marka hore iyo cimri dheerida labadaba ragga way uga horreeyaan.
Rasuulku wuxuu sheegay in aakhiru samaanka haweenku badan doonaan ilaa kontonkii haweenaba hal nin uu ka mas'uul noqdo.
Teeda kale nin walbaahi laba iyo ka badan guursan maayo oo rag badan baan midda dhaafayn, marka isku celceliska waxaa dhici karta inaanay lababa gaarin.
Xagga masayrkana waa wax qalbiga ku jira, haddii ay islaantu xaqeeda garanayso iyo waxa Alle ninka u banneeyay danteeda ayay ka raacanaysaa risqiga Alle u qorayna inaanay waayeyn bay og tahay, walaasheeddaas muslimadda ahna waxay ogtahay inay guur u baahan tahay iyo dhaqan, qofkuna waxaa ku waajib ah inuu qofka kalee walaalkii ah la jeclaado waxa wanaagga ah ee uu naftiisa la jecel yahay. marka waa in il naxariiseed la isku fiiriyo, tirada muslimiintana la badiyo.
Gabadha muslimadda ahi hadday intaa ogaato Allaahna kaashato gurigeeda u burburin mayso mustaqbalkeedana ku ciyaari mayso caadifad masayr darteed.
Hadduu qof waliba xaqiisa iyo waajibka saaran garto, oo uu iska ilaaliyo wixii sharciga khilaafsan, khilaaf dhici maayo, hadduu dhacana waa mid xal loo heli karo, ee ma ahan in asalki sharciga ee caddaaladda iyo wanaagga ku dhisnaa la duro ama dadka laga shakisiiyo.
Ummadihii afarta diiday dhibkay ku sugan yihiin nagama qarsoona, ninku saaxiibbado qarsoodi ah ayuu samaystay iyaduna sidoo kale way ka aarsatay, wax nasab ah oo la ilaalinayo ma jirto khilaaf iyo kala dudid joogta ah ayaa ku badatay duulalkaas.
Waxaynaba ku socdaan inay nidaamki qoyska gebi ahaanba ka boodaan iyagoo raacaya falsafadahan gurracan ee waayahan soo baxay.
8. Maxaa dumarka islaamka ah loogu sameeyey irid gooni ah oo ay masaajidka ka soo galaan oo ay kana baxaan marka ay tukanayaan, maxay tahay sababta in muuqaalkooda la arkaa ay denbi u tahay amaba loo qarinayaa?
Jawaab:
Waxa albaabka gaarka ah loogu sameeyey waxay tahay inaanu is taaban jirka dad aan isu xalaal ahayn, iyo iyadoo sharaftooda la dhowrayo. Rasuulka waxaa ka sugnaatay inuu yiri: (safafka ragga waxaa ugu wanaagsan kuwa ugu horreeya, waxaana ugu shar badan kuwa ugu dambeeya.
Kuwa haweenkana waxaa ugu wanaagsan kuwa ugu dambeeya, waxaana ugu shar badan kuwa ugu horreeya) waxa uu saa u leeyahayna waa inay kala fogaadaan ragga iyo haweenka aan xalaasha isu ahayn.
Mar buu arkay Rasuulku iyadoo jidki raggii iyo haweenkii is dhexgaleen markaasuu haweenkii ku yiri:(( dib u baxa, xaq uma lihidin inaad jidka dhexda ka martaan e,) markaasay haweenka saxaabadu derbiga isku dhejin jireen iyagoo amarkii fulinaya.
In ay haweenku is asturaan Alle iyo Rasuul baa amray, waxaa uu Alle yiri: (Nabiyow waxaad ku amartaa haweenkaada, gabdhahaad dhashay, iyo haweenka kalee muslimka ah inay jilbaabbadooda isku daboolaan, taasaa u dhow in gobnimadooda la aqoonsado oo aan la dhibaateyn, Allaahna wixii horay u dhacay wuu asturaa, waana mid naxariis badan). Fiiri aayadda 59aad ee suuratul axzaab.
Sidoo kale Alle wuxuu yiri: ( … Haweenka muuminaadka ah ha ku dabooleen hagoogtooda dhuuntooda oo yaanay quruxdooda u muujin waxaan nimankooda ahayn ama aabbayaalkood ama kuwii dhalay nimankooda ama wiilashooda ama nimankoodu wiilashay dhaleen ama iyaga walaalahooda ama wiilasha walaalahaasi sii dhaleen ama wiilasha gabdhaha walaalahoodihi dhaleen ama haweenka muslimka ah …). Suurartulnuur aayadda 31 aad.
Haddii Alle iyo Nabiga wax ka sugnaadaan lagama horkeeno caqli iyo ra'yi.
9. Sidee
baanse aayaddan quraanka ah ugu fasiri karnaa dumarka islaamka ah ee maanta:
"As for those from whom you fear disobedience among your women,
admonish them and send them to beds apart and beat them." (Sura
4:34, Dawood)
Jawaab:
Dumarka islaamka ah ee maanta waxay la mid yihiin kuwii ka horreeyey diin gaar ah oo u soo degay iyo si gaara oo wax loogu fasirayo ma jirto oo waxaa la wada og yahay in gurigu maamul u baahan yahay arrintaana Alle wuxuu siiyey Ragga, oo inay wixii wanaaga ninka ku adeecdo ayaa sharcigu qabaa jannadana ay ku heleysaa, Haddiise ay iska sare mariso oo dhaqankii xumaado is maqalna la waayo wuxuu ninku xaq u leeyahay inuu wacdiyo oo tusaaleeyo, haddii wax laga faa'iidi waayana sariirta uu kaga fogaadaa, haddii ay wax ku qaadan weydana uu garaac ku edbiyaa, haddii ay warki maqashana intaa haku gaabsado oo yaanu tacaddi samaynin illeyn Allaa ka sarreeyee.
Haweenka qaarkood ma fahmayaan in ninku ka xun yahay ilaa uu wax ku dhufto, waana arrin dabiici ah, garaacuna ma ahan mid wax dhaawacaya ama laf jebinaya. Waana arrin ay ku dareemayso qawaamadii ninka Alle siiyay.
Waxaana dhici karta in malaayiin guryaa aan garaac ka dhicin oo wacdi iyo canaan kaliya wax ku kala socdaan.
Rasuulkuna aad buu uga deyriyay dilka haweenka la dilaayo, wuxuuna sheegay kuwa sabab la'aan wax u garaaca inaanay akhyaar ahayn.
Ninka waxaa saaraan inuu cidda u soo shaqeeyo oo maantaasoo dhan dhib buu ku jiraa iyo kadeed, iyadii waxaa looga baahan yahay inay u diyaariso jawi uu ku nasto oo uu dhibkii ku illoobo.
10. Sidaan
wada ognahay ee ay diintu inoo sheegeyso Nebi Maxamed sagaal naagood ayuu guursaday mid
ka mida sagaalkaa naagood oo magaceeda Caasha la odhan jirayna waxay
da'deedu ahayd sagaal jir markii uu Nebigu guursaday. Hadaba sidee baa Nebigu
isagoo da'diisu ay konton jir ka weyn tahay uu isugu aaminay inuu
gabadh yar oo sagaal sano jirta uu xaas ka dhigto oo uu la seexdo?
Jawaab:
Waa sax in Rasuulku uu Caa'isha la aqal galay iyadoo sagaal jir ah (Bukhaari, Muslim).
Culimada islaamku iskuma khilaafsana in gabadha la mehrin karo sidey rabtaba ha u yaraatee, laakiin la aqal galku wuxuu ku xiran yahay inay awood u leedahay howsha u taal, arrintu taas bay ku xiran tahay, haddii aan sidaa la dhihinna hadal xaqa waafaqsan luguma hadlin oo qofku waxaa dhici karta isagoo da'diisu weyn tahay inuu haddana taag daran yahay oo aanu awoodin howshaas, marka bal aan fiirinno arrinka Caa'isho Allaha ka raalli noqdee, Rasuulka sallallahu calayhi wasallama markii halkii xaas ee uu lahaa ee Khadiija ahayd ay ka dhimatay haweeney baa u timid oo kula talisay inuu Sowda iyo Caa'isha labadaba guursado kamana aanu diidin, Sowda waa uu mehersaday lana aqal galay, qof wayn bayna ahayd oo ilaa shan ciyaala wadatay, oo uu ka dhintay ninkeedii markuu hijrada Xabashida ka soo noqday. Caa'ishana waa lugu mehriyey aqalgalkuna dib buu u dhacay, hijradii ka dib muddo markuu joogay Madina ayaa Abuubakar ku yiri maad xaaskaaga la aqal gashid, saasuuna kula aqal galay, Rasuulka ka suurta gal ma ahan inuu wax ka doono qofaan awoodin, aabeheedna ma yeeleen iyaduna ma yeesheen.
Arrintaa Muslim iyo gaal wax war ka keenay ma jirin ilaa qarnigii 20aad laga soo gaaray, markaasaa dad waxay yiraahdeen waxaa qofku ku qaan gaaraa oo xil qaadi karaa markuu 18 sano buuxsado, ka horna si kasta oo uu u xoog iyo caqliba badan yahay wax luguma aamini karo naftiisa ama wax kale toona, ninkii guursada islaan aan da'daa gaarinna meel buu ka dhacay oo qaanuunkuu khilaafay.
(F.G Sinada wiilka iyo gabadha 18 ka yar waxay gaaladu leedahay xuquuqul insaankay ka mid tahay waana in tas-hiilaad loo sameeyaa oo aan la carqaladayn sida ka soo baxday shirkii haweenka looga hadlaayay ee ummadaha midoobay ku qabatay caasimadda dalka Shiinaha)
Haddaanse sharcigeenna fiirinno islaantu waxay ku qaan gaari kartaa in caado ka timaado, caadaduna way ka imaan kartaa iyadoo sagaal jirta, waa qof mukallafa oo wax walba laga rabo qalinkuna ku socdo.
Caa'isho guurkeedu wuxuu ahaa mid ay aad ugu faraxsanayd, dadkan hadda arrintaa ka hadlayana ma aanay wakiilan oo dacwo uma gudbisan, marka waa gardarro waxay arrintaa u dhexgalaan.
Imaam Shaafici wuxuu yiri: waxaan arkay islaan 21 sano jirta oo ayeeyo ah.
11. Maxaa
dadka Islaamka ah ku beeray nacaybka iyo shakiga iyo cabsida ay had
iyo goor u qabaan dadka kale ee diimaha kale iyo fikradaha kale rumeysan?
Muxuuse quraanku ugu dhiirigelinayaa dadka muslinka ah inay dulmaan
dadka aan muslinka ahayn sida ku cad aayaddan quraanka ah:
"Fight those who do not profess the true faith (Islam) till they pay
the jiziya (poll tax) with the hand of humility". Koran 9:29
Jawaab:
Qaybta koowaad haddaan ka jawaabno gaaladu mid ma ahan, waxaa ku jira kuwa horor ah oo laga hoyan waayay oo diin ahaan noola dirirsan, kuwaa jeclaan meyno mana noo bannaana inaan weli ka dhiganno, qofki gacalo ka dhigta ee soo dhowaystana waa daalim sida Alle suuratul mumtaxana noogu sheegay aayadda 9aad.
Kuwa kalaase jira oo aan diin ahaan noola dagaalsanayn guryaheennana aan naga saarin kuwaa inaan caddaalad u sameyno iyo samafal Alle nooma diidin, jeclaanse mayno, maxaa yeelay waa dad Alle xariggiisii aan haysan oo aanu raalli ka ahayn , marka qofka muslimka ahi waa inuu Alle ku waafaqo jacaylka iyo nacaybka oo wixii Alle jecel yahayna uu jeclaadaa wixii Alle necebyahayna uu necbaadaa, laakiin taasi keeni meyso inaannu ku xadgudubno ama xaqooda duudsinno.
Midda aad leedahay shakiga iyo cabsida ay u qabaan dadyowga diimaha kale raacsan maxaa keenay waxay culimadu ka yiraahdeen: Allaah baa wuxuu noo sheegay in yahuud iyo nasaaro aanay marnaba naga raalli noqonayn ilaa aan ka raacno diintooda, Allana waa uu nooga digay inaan hawadooda iyo waxa naftoodu jeceshahay aan ku waafaqno. Fiiri aayadda 120aad ee suuratul Baqara. taasi miyaanay keeneyn shaki iyo taxadar.
Kuwooda leh annagu diin kuma dhaqanno oo arrimaheenna kuma saleyno waaba ka sii fog yihiin illeen wax qabanaya oo ay ilaalinayaan maba jiro e, waa uun ninkii xoog leh bay xaajo u dhacdaa.
Dulmiga quwadaha waaweyni ay muslimka marsiiyeen labadii qarni ee la soo dhaafay wax la soo koobi karo ma ahan.
Malaayiintii lagu dilay dagaalki kowaad iyo kii labaad ma muslim baa ka dambeeyay.
Boqollaalka kun ee lagu xasuuqay ciraaq iyo afganistanse ma dadka islaamka ah baa sameeyey.
Kuwii yuhuuddu sheegatay in foornooyinka gaaska ah lugu gubay ma muslim baa ka dambeeyey.
Midda aad leedahay Quraankaa dadka ku dhiirri geliyay dulmi waxaa Laga yiri: Magan Allee ma markii dadkii dadweynaha xoogga ku heystay oo xorriyadda ka qaaday laga qabtay oo ay dadku xor u noqdeen inay diintii xaqa ahayd fiiriyaan hadday raacaanna waa nasiibkood hadday raaci waayaanna jizyo ayaa laga qaadayaa oo naftooda iyo xoolahooduba way u badbaadayaan, ma markaas baa la dulmay mase marka iyadoo daalimiinta waaweyn laga qaban karo lugu fiirsado.
Allana waxa uu dadka farayo waa wax ama maslaxadda ku jirtaahi ay saafi tahay ama ay ka badan tahay dhibka ka imaanaya, marka way dhici kartaa in dad madaxtinnimo haystay ay ku waayaan jihaadka hadday xaqa aqbali waayaan, laakiin iyagaa is dulmay oo Allihii abuuray ee arsuqay ku caasi garoobay kana hor yimid diintiisa, iskuna deyay inay xaqi dumiyaan, dadkana ka horjoogsadaan. marka jihaadku dulmi ma ahane waa samafal.
Jisyadu ma ahan (poll tax), ee waa hal diinnaar ama wax u dhigma oo laga qaadayo qof loo oggolaaday inuu dhulkii Islaamka nabad ku mushaaxo, sakana aan laga qaadeyn, cadowgii dibadda ka soo weerarana laga difaacayo, qof kaan waxba haysanna laga qaadi maayo, haween iyo carruur laga qaadi maayo, ma caddaalad taas ka weyn baad aragteen.
Jihaadkuna sababo ayuu leeyahay:
a- In la iska celinayo xadgudub dhinacooda ka yimid. Fiiri aayadda 190,194 ee suuratulbaqara.
b- Ciqaab la ciqaabayo kuwa jebiya ballamada lala galo, diintana wax ka sheega.
Fiiri aayadda 12 aad ee suuratutawba.
c- In la iska qabto kuwa diiddan in dacwada Islaamku gaarto dadka.
Fiiri aayadda 193aad ee suuratulbaqara.
d- In loo gargaaro muslim la dulmiyay.
Fiiri aayadda 75 aad ee suuratunisaa.
12. Maxay dadka Islaamka ah intooda badani had iyo goor u yihiin kuwo jecel inay wax qasbaan, wax necbeystaan, oo xitaa ay wax dilaan?
Jawaab:
Su'aashani tii hore wax saasa kama duwana, qasab aan cilmi ku dhisnayn sharcigana aan waafaqsanayn islaamku ma oggola, macruufka oo la is faro xumaantoo la iska reebo ayuu yaqaan islaamku si cilmiyeysanna loo sameeyo oo niyad wanaag ku dheehan yahay iyo naxariis, waxyaabo uu qofku wax ka qaban karo ayaa jira shakhsi ahaantiisa sida arrimaha qoyskiisa ku saabsan oo kale, wixii awooddiisa ka baxsan dadki u xilsaarnaa ee awoodda u lahaa ayay saaran tahay, sida dadka madaxda ah, haddii xilkooda ay ka soo bixi waayaanna iyagaa Alla kula xisaabtamayaa, oo qofka muslimka ah isma dulleeyo umana banbaxo waxaanu awood u lahayn.
In uu munkarka afka ka inkiro qofki cilmi u leh si sharciga waafaqsan, arrintaasi waa ku waajib, waxaanse marnaba ruqso loo haysan in xumidi aan qalbiga laga nicin, iimaan taa ka dambeeyaana ma jiro.
Nacaybka waxaannu uga soo hadalnay jawaabtii la soo dhaafay.
Dilka aanay shuruudihiisu u dhammaysnaynna islaamku ma qabo, in qof aan wax galabsan lugu xadgudbo islaamku ma qabo, ninkii gaala ee ay dowladda islaamku u oggolaatay inuu waddanka islaamka yimaaddo in la dilaahi waa dambi aad u weyn oo dil mudan jannadana lugu waayayo.
Dilka iyo nacaybka aad muslinka ku sheegeyso kirishtaanki baan ku haynaa, oo Amerikaanki bilaa xisaab buu u laayay Muslinkii Afganistaan iyo kuwii Ciraaq, waxaaba la hayaa oo la arkay iyagoo masaajid ku dhex dilay dad dhaawac ah oo liita oo aan hub haysan.
Nacaybkooduna waa midka gaarsiiyay in niman madax ah oo baarayaal lugu sheegayo ay Quraankii Alle ku ihaaneeyeen Khaliijka Guantanamo.
Taasina waxaan rumeysan nahay inay ka mid tahay waxyaabaha soo dedejinaya halaaggooda oo marka dulmiga iyo kibirku meeshaasoo kale gaaro oo Quraankii Alle la ihaaneysto waxaa imanaysa caro Alle.
Waxaana u wanaagsan inay Alla u soo noqdaan oo ay islaamaan, taasay sharaf adduun iyo mid aakhibraba ku gaarayaan.
Kuwa kirishtaanka ah ee Nabigeenna sawir gacmeedka ku aflagaaddeeyey dalka Denmark maxaa arrintaa ka keenay? Sow necbeysiga aad Muslinka ku tuhmeyso ma ahan.
13. Maxaa
keenay in Soomaalida oo ah dad boqolkiiba boqol muslin ah oo isku dhaqan
iyo luqad ahi inay hadana dalkoodii burburiyaan oo ay iska dilaan kumanyaal
iyo kumanyaal qofood iyadoo ilaa maantana ay dunidu fahmi kari la'adahay
waxa dhibkooda sabab u ah iyo sababta ay isu dilayaan midnaba?
Jawaab:
Adduunkan waa la isku imtixaanayaa, waxayna ka mid tahay arrinta Soomaaliya ka dhacday imtixaannada dhacaya, sababaha keenay arrintan waa ay badan yihiin waxaana kow ka ah hor iyo gadaal waxa la samaynayay inaan islaan lugu salayn, marka islaamku wax mas'uuliyad ahi kama saarna dad xumi sameeyey, wanaaggina garan waayay, ama muslim ha noqdeen ama gaalee.
Tan labaad dambiyada aan dhex dabaalanayno ee diinta asalkeedi iyo furuucdeediba la khilaafayo ciqaab qadariya oo kowni ah bay leedahay.
Tan saddexaad Dowladdii milaterigu diinta way ka fogeyd wixii ay samaynaysayna diin la'aan bay ku dhisaysay, is difaaca ay is difaacaysayna mid loo kitaabba deyay ma ahayn, mucaaradkii ku kacayna sharci kuma salaysnayn waxa ay samaynayaan, taasi waxay keentay in arrimuhu faraha ka baxaan, kadibna naf-jeclaysi iyo sed-bursi baa kala fogeeyey dadka oo la isu fahmi waayay, waxaana iska jirta in bulshooyinku ay koraan sida ilmaha dhashay oo kale, marka dadku diinkiina si wanaagsan uma haystaan oo waxa ay samaynayaan waa waxay jaahilnimo u samaynayaan, biseyl siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaale oo caadiyana ma gaarin oo dowladnimadu way ku cusub tahay dadkeenna, waxyaaba kale ayay ka hormariyaan.
Waxaa kaloo jirta in waddammada deriska la ah soomaaliya oo ka diin duwan dhulna naga heysta aanay doonayn inuu waddanku dego oo dowlad xoog lihi ka dhalato sida uu ku dhawaaqay Daniel Arab Moi markuu xukunka ka degay ka dib, isagaana shirkii ugu dambeeyay ee soomaali baa lugu heshiisiinaa la yiri furay oo isugu yeeray.
Haddana waxay gaalo u soo dul degtay in laga ilaaliyo inay dhistaan mujtamac muslim ah, waxay ka baqaayaan diinta fiditaankeeda.
Intaasoo dhami waa sababo keeni kara dabadheeraashada dhibka soomaaliya ka taagan.
Yurubna boqollaal sano ayay u baahatay inay ka bogsato dagaallada iyo dilka ay qabaa'ilka, dowladaha iyo kaniisaduhu isu gaysanayeen, waxaa ugu dambeeyey dagaalkii labaad, iyadoo ay weli wax ka jirjiraan waqooyiga Airland iyo Koofurta Spain
( maantay oo taariikhdu tahay 22/3/2006 kuwan danbe waxay ku dhawaaqeen xabbad joojin joogto ah).
Sidaasoo ay tahay waxaa caalamku la yaabban yahay dad shan iyo toban sano dowlad la'aan ahaa haddana nool oo horumar samaynaya dhinac dhaqaale iyo dhinac bulshaba, taa waxaa u sababa islaannimada, iyaday ka barteen in dilku xun yahay luguna cadaab mudanayo, dad badanina Alla ka cabsi dartii bay isaga daayeen dilka iyo xumaanaha kale taageerana loogama helo waxyaabahaa xun, teeda kale waddanka intaa shaqa la'aantu ka jirtay ma is weydiisay waxa ummad badani ku soo moodday, waxay ku soo moodeen fadliga Alle ka dib waxa ay qaraabadooda iyo macaariftoodu u soo diraan, qaraaba xiriiriska xaggee laga bartay, sow diinka Islaamka ma ahan.
Waxaanan rajeynayaa in arrintaasi mar dhow soo gabagabowdo oo laga raaxeysto. Dadkuna aanay cadowgooda fursad siin uu ku sii wiiqo, illeen haddii mid la yahay cadowgu meel uu kaa soo galo heli maayo e.
14. Maxay
dalka soomaaliya uga dhacdaa arinta foosha xun ee ah in qof aan denbi
gelin oo aan waxba ogeyn si badheedh ah loo dilo sababtoo ah dhaqanka
foosha xun ee ay soomaalidu u taqaano
"aano qabiil"
Jawaab:
Waxaan leennahay Allaha ka bogsiiyo, mana jirto shareeco adkeysay dhiigga muslinka sida islaamku u adkeeyey arrintaa, oo aayadaha iyo axaadiithta ka digtay dhiigga Muslimka lama soo koobi karo, waxaa kaaga filan Allaah qowlkiisii oo macna ahaan lagu tarjumi karo: (Qofkii qof mu'mina kas u dila abaalmarintiisu waa jahannamo isagoo ku waaraya Allana wuu u carooday wuuna lacnaday wuxuuna u diyaariyay cadaab aad u weyn) [suuratunisaa':93].
Axaadiithtana waxaa ka mid ah :( Adduunkoo la waayo gebi ahaanba ayaa Alle agtiis kaga fudud in qof muslim ah la dilo) Tirmidi iyo Nasaa'i baa weriyay waana xadiith saxiix ah.
Sidoo kale wuxuu Rasuulku yiri: (Qofka mu'minka ahi ka zuuli maayo inuu waasicnimo diinkiisa kaga sugan yahay haddaanu dhiig xaaraana ku dhicin). Waxaa weriyay Bukhaari. Macnaha xadiithkuna waa sidan: camalka wanaagsan ee uu samaynayo uma dhigmo dhiiggii uu daadiyey.
Wuxuu kaloo yiri: (Mu'minku waa kan dadku dhiiggooda iyo xoolahoodaba uga nabad galaan ooy ku aaminaan).
(Muslinkuna waa kay dadku carrabkiisa iyo gacantiisaba ka nabad galaan).
Waxaa weriyay Bukhaari.
Marka dadki ku dhaqmi waaya nusuustaa cad cad iyagaa dambiga qaadaya ee islaamku qaadi maayo, iyagaa laga rabaa inay ka toobad keenaan dambigaa weyn oo ay Alle u soo noqdaan, islaamkana luguma ceebeyn karo wax ay sameeyeen koox ka mid ah oo ay caddahay inay khilaafeen wixii uu farayay.
Dadkuna waa dulmi badane jahli badan.
Fiiri aayadda 72 aad ee suuratul axzaab.
Dulmiga wuxuu qofku uga baxayaa inuu caddaalad sameeyo, jahligana cilmi iyo camal fal.
Dilalka noocaas oo kale ahina kuma gaar ahan Soomaali iyo Muslim toona, oo dadka kalaa uga daran taa.
Sirbinista oo boosniya ah waxaa hal usbuuc lugu dilay tobannaan kun oo muslim ah.
Ruwaanda oo kirishtaan ah waxaa lugu dilay nus milyoon, iyaga uun baana dhexdooda ka dagaallamay.
Burundina sidoo kale tiro aan la soo koobi karin bay iska dileen.
Hindinya dagaallada kooxaha diiniga ah ee ka dhaca kumannaan baa lugu dilaa ama ku barakaca, waxaana dulmiga badankiisu ku dhacaa Muslimka. Yurub iyo Mareykan magaalooyinkooda waaweyn inta tuugada iyo maafiyadu disho ayaa aad uga badan inta Soomaaliya ku dhimata.
15. Maxaa
waddamada Islaamka ah looga tixgelinwaayey xuquuqda shaqsiga,tan dumarka,
ta fekerka shaqsiga ee xorta ah (ijtihad) iyo dhammaan xuquuqda banii'aadanka
guud ahaan?
Jawaab:
La iskuma diiddana arrimaha aan sharcigeenna ka hor imaanayn haddaan wax lagu hoos qarinayn sida in qofku xaq u leeyahay waxbarasho, shaqo, hoy u qalma, daryeel caafimaad, inuu u safro meel kastoo aanu sharcigu ka hor istaagayn, inuu ra'yigiisa ka muujiyo wixii uu cilmi u leeyahay ee uu arko in la garab maray.
Waana in wanaag lagula hadlo dadka, Alle wuxuu yiri: (Addoommadayda u sheeg hadal wanaagsan ha ku hadleen, maxaa yeelay haddaanay si wanaagsan u wada hadlin wuxuu shaydaanku dhexdooda dhigayaa shar iyo fasaad. Shaydaankuna cadow cad buu u yahay bani'aadamka) [suuratul Israa':53].
Haddaba qofku xaq uma leh inuu qofkuu doono caayo, ama waa uu dhilleystay yiraahdo, ama hadal jeesjees ah ku hadlo, ama uu muslin xanto ama dadka isku diro, intaasoo dhammi xorriyatul qowl shaqo kuma leh, ee waa arrimo ciqaabi ka dambeyso ama adduun ama aakhiro.
Qofku waa inuu xaq ku hadlaa, baadilna uusan dhex dabaalan, ogaadaana in wax kastoo uu ku hadlo malaa'igi qorayso, qaadayana masuuliyadda wax kastoo uu ku hadlo ama qoro.
Dacwadaha baadilka ah ee raba inay beddelaan islaamka booskiisana galaan dowladda islaamka ahi uma oggola inay waxay doonaan dadkeeda ka dhex faafiyaan oo dadkeeda xil baa ka saran.
Qofkii shaki galo Alla ha baryo inuu ka caafiyo dhibka qabsaday oo yaanu danbi sii kororsan shubhadaha uu muslinka la dhexwareegayo darteed, hana raadsado qofka uu is leeyahay waa uu kaa shaafin karaa su'aalahaas.
Xuquuqul insaanka reer galbeedku mid naga maqan ma ahan, sababtoo ah iyagu waxay qabaan in Kaniisadda iyo nolosha la kala fogeeyo, mabda'ooda liberaaliyadda ku dhisan bayna ku saleeyeen xuquuqda ay sheegayaan, warbaahintooda ayaana ra'yulcaamka samaysa oo waxay u qurxiyaan baa wax wanaagsan loo arkaa, war baahintuna maalqabeenkay u shaqeeysaa.
Xuquuqda insaanka ee ay qarammada midoobay soo saartay 1948 dii qodobka 18 aad wuxuu leeyahay: (qof walbaahi wuxuu xaq u leeyahay xurriyadda fekerka iyo caqiiddada, waxaana soo gelaaya xaqaas inuu qofku xor u yahay inuu beddelo diintiisa ama caqiiddadiisa, sidoo kale inuu xor u yahay inuu diinkiisa ku muujiyo barid, ku dhaqan, cibaadeysi, keli keli ahaan iyo wadar wadar ba).
Waana aan ka soo hadalnay mas'alada diin beddelidda markaan ka jawaabaynay su'aasha labaad, qofka muslimka ahi xor uma ahan inuu diinka ka baxo.
Waxaa dejiyay xuquuqdaas dowladihii ku guulaystay dagaalkii labaad waana wada gaalo.
Xuquuqda dhabtaahi waa midda Alla dejiyay, isagaa dadka abuurtay waxa u wanaagsanna yaqaanna, Allana ma dhihin waxaa siman muslim iyo gaal, nin diinka ku toosan iyo mid faasuqa, caalim sharciga yaqaan iyo jaahil.
Xorriyadda nidaamka dimuqraadigu sheegayo waa wax mugdi ku jiro, ma waxaa loola jeedaa xorriyadda doonista, markaa waxay noqonaysaa in laga hadlo heerka ay gaarsiisan tahay, oo waxaa jira waxyaaba badan oo aanu qofku ikhtiyaar u lahayn oo awooddiisa ka baxsan.
Haddii lugu koobo xorriyadda xiriirka uu dadka la leeyahay waxaa soo gelaaya xorriyadda siyaasadda, xorriyadda haweenka, xorriyadda dadka laga tirada badan yahay, dadka qaarna waxay leeyihiin waxaa wanaagsan in lagu magacaabo xorriyadda bulshood.
Si kastaba ha ahaatee, nidaamka dimuqraadiga ah wuxuu xorriyadda ku xiraa shuruud, oo wuxuu leeyahay qofku shakhsi ahaan waa xor oo wuxuu doono wuu sameyn karaa suu doonana wuu u samayn karaa haddaanu ku xadgudbeyn xorriyadaha dadka kale.
Xagga siyaasaddana ra'yigiisa qofku wuu muujisan karaa, xisbi siyaasadeedna wuu geli karaa, waase inuu ku shaqeeyaa qaanuunka dowladdu u dejisay arrinkaa.
Xorriyadda shakhsiga ah ee uu John Stuart Mill kaga hadlay kitaabkiisa ee uu yiri waa in faraha laga qaadaa haddii aan dadka kale wax la yeeleyn, waxaa ka dhashay in qaar ka mid ah dowladahaa dimuqraadiga ahi sida Sweden ay ka dallaceen nidaamkii guurka ee la yaqaannay oo ay yiraahdeen ninku nin waa uu guursan karaa, naagtuna naag kale ayay ku kaaftoomi kartaa sidoo kale, ninkuna hadduu doono naag waa uu isu beddeli karaa intuu qalliin isku sameeyo.
Waxay oggolaadeen nidaam aan guur ahayn oo lugu magacaabo guri wadaag.
Xorriyaddaa iyo xuquuqul insaanku waa wax sidii la doono laga yeelo oo meeshii la rabo loo leexiyo, Ameerika iyadoo dimuqraadiyad sheeganaysa waan garanaynaa sidii loo baabi'iyey dadkii hindida ahaa ee waddankaa loogu yimid, iyo sida loola dhaqmi jiray dadka madow, dagaalki labaad markuu socdayna ameerikaankii asalkoodu japanka ahaa sida xerooyinka loogu ooday waan la soconnaa.
Isla weynida Maraykanka waxaa ku tusinaya mar baa nin askari ah lugu qabtay Xamar markaasaa la soo daayay, waddankiisi buu tegay waxaa waraysi la yeelatay CNN wuxuuna yiri: Nolosha hal Ameerikaan baa ka qiimo badan toban kun oo Soomaali ah.
Sidoo kale nagama qarsoona sida dimuqraadiyadda looga dhigay mid oggol in si wadar ah muslimka loo ciqaabo markii la yiri waxaan la dirireynaa usuuliyad iyo argagixiso, oo qofka muslinka ah uu eedeysane yahay inta danbi la'aantiisu ka caddaaneyso.
11 kii September ka dib Amerikaanku waxay sameeyeen qaanuun ciidammada ammaanka xaq u siinaya inay qof kasta, xafiis kasta, iyo guri kastaba ay feteshaan, qofkana inti la doono xabsi lugu hayn karo, hadalladiisana la dhagaysan karo, lana duubi karo, wax uu gaar u leeyahay oo aan la dabageli karinna ma jiraan, qof kastoo waddanka siyaaro ku soo galana la xiri karo, marka horena laga qaadayo faro, xisaabaadka bangiguna aanay qarsoodi ahayn, xoolihii Muslinkana lugu bannaystay marmarsiiyo argagixiso.
Guud ahaan aragtida ay ka leeyihiin qofka insaanka ah iyo xorriyaddiisa kama baxsana amar ku taagleyn iyo in si xun loo adeegsado bani'aadamka.
Arrinta xuquuqda haweenkana waxay culimadu ka leeyihiin: waa jirtaa inaan xuquuqda la siin oo dowladaha badankood uma oggola gabadha muslimadda ah inay labbisato labbis Alla raalli gelinaaya oo dhinacaas waa loo diiddan yahay xorriyad, sidoo kale inay hesho waxbarasho aan rag iyo dumar laysku dhex deyneyn waa loo diiddan yahay, ama inay hesho haween daaweeya, sidoo kale ay ilmaheeda korsato oo ilaashato oo tarbiyayso oo aan loo dhibaato gelin inay rizaqeeda iyadu doon doonto gurigeeduna uu sidaa ku dayacmo oo qoyskii xasillooni waayo ilmihiina naxariistii hooyo iyo korinteedii ay waayaan, xaqa noocaas ah way la'dahay.
Islaamkuna haweenka aad buu u daryeelay oo ama waalid baa noloshi ka kaafiya ama qaraabada kale inta ay ka guursanayso, haddii ay guursatana xilku ninkeeduu ku wareegayaa.
Waxaanan is leeyahay waxa haweenta reer galbeedka loogu qasbayo inay shaqo u baxdo waxaa keenay laba arrimood. Tan koowaadi waa waallida sinada oo aanu ninkii ka sabri karin naagti xataa inta uu shaqada joogo oo wuxuu rabaa inay u dhowdahay oo ay dhinac fadhido, iyaduna sidoo kale ayaanay uga sabri karin.
Tan labaad, waa bakhaylnimo oo ninku ma rabo inuu naagti masruufo oo wuxuu leeyahay marba haddii ay soo shaqaysan karto oo ay baahideeda dabooli karto maxaan isu dhibayaa anigu, marka waxaad arkaysaa lacagtiyoo waxyaabo aan munaasib ahayn lugu bixinayo si xad dhaaf ah, meela muhim ahna laga masuugayo iyadoo aan la qaddarineyn dhibka haweenka iyo guryahaba soo gaaraya marka loo dhib-geliyo inay soo shaqayso.
Haweentu gurigeeday
boqorad ku tahay oo shaqo tii ugu fiicnayd bay ummadda u haysaa, oo
ilama korin ah, waana asaaskii bulshada, mise ra'sumaaliyaddu waxayba
jeceshahay inaanu qofku ka imaan guri deggan oo la isjecel yahay oo
la is taageerayo si aanu qofku ugu dhiirran inuu danahooda ka
horyimaado maadaama aanu ka iman guri laga jecel yahay ama qoys isku
xiran oo xoog leh.
16. Maxayse
ku dhacday in qaxootiga Soomaalida oo muslimiinta ah ay soo dhaweeyaan
oo ay guryo, shaqo, nolol, dhalasho wadaninimo iyo waxbarashoba ay siiyaan
wadamada kiristaanka ahi iyadoo habayaraatee aan innaba wax xuquuqa,
amaba wax magangelyo ah, amaba wax daryeela aan looga ogoleyn wadamada
Islaamka ah ee Carbeed? Waa maxay sababtu???
Jawaab:
Marka hore difaaci maayo dowladihii iyagoo wax u qaban kara dadka dhibaateysan ka gaabiyay, oo waxaa waajib ah in qofka walaalkaa ah aad la jeclaato wixii wanaaga ee aad naftaada la jeceshahay, ninka su'aalaha qorayna kuma raacsani ka badbadinta uu ka badbadiyay gaabintaa oo dowladaha muslimka ah eber ma wada ahayn, kumannaan baana ka shaqaysta kuna asturan waddamada carbeed.
Laga soo billaabo 1975tii ilaa iyo maanta waxaa yimid dowladaha carbeed ee lacagta leh boqollaal kun oo Soomaali ah, wax badanoo waddanka ka mid ahna waxaa lugu dhisay lacagtaa.
Markii abaarta xuni waddankeenna ka dhacday carabta Muslimka ahi si gaara ayay noogu soo gurmadeen, waana la wada xusuustaa inay cunnadi ay bixin jireen ay ka tayo fiicnayd tan kale.
Teeda kale dhowr jeer bay isku dayeen heshiisiinta soomaalida kharash badanna ku baxsheen, Jabuuti baana ugu dambeysay, markastoo dowlad la dhisana waxay ku bixin jireen malaayiin dollar.
Markii Dowladdeennu dhacday shir Jaamacadda Carabtu yeelatay waxaa laga soo saaray in ictiraafka Baasaboorku sii socdo, Safaaradahana la sii ictiraafsanaado, dowladaha galbeedka taa lagama helin.
Teeda kale maxaad carabta gaar farta ugu fiiqeysaa, tiradoodu kama badna saddex boqol oo milyan, muslinka tiradiisuna waxay gaartaa hal bilyan iyo bar, meeshaa waxaan ka fahmeynaa in ninka su'aalaha qoray uu dan gaara leeyahay oo uu rabo inuu isku diro Soomaalida iyo Carabta, iyadoo Soomaalidu ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta.
Dowladaha kiristaanka ah ee aad tiri waxay soo dhoweeyeen qaxootiga soomaalida, marka ugu horreysa dowladahaasi waxay ku shaqeeyaan mabda'a ra'sumaaliga ah oo ay sidii diinti u aamminsan yihiin.
Danaha ragga maalqabeenka ahi waxay ku jirtaa in nabadgelyadu sugan tahay, kaladambeynina jirtaa, siyaasadduna xasilloon tahay si wax-soosaarkooda iyo noloshooduba si habsami ah ugu socoto.
Waxay ka dejiyeen qaxootiga sida loola dhaqmayo nidaam guud oo ay ku dabbaqayaan dad kastoo caalamka uga yimaad, mudda dheer ka horna la sameeyay, kaa beyna soomaalida ku qaabileen, nidaam u gaara umay samayn soomaalida ama mid hore u jiray umaanay khilaafin soomaali darteed, marka abaal gooni ah soomaali uma gelin.
Teeda kale waxaan ogsoon nahay in dadka waddammadaasi ay sii yaraanayaan tira ahaan oo aanay saa u dhalin, marka dad bay u baahan yihiin u shaqeeya oo aanay ku soo dhibtoon.
Ragga arrimaha bulshooyinka ka faallooda waxay sheegeen in yurubtu ay aad uga baqdo isu dheelli tirnaan la'aanta xagga tirada dadka iyaga iyo waddammada soo koraya ee Afrika iyo Aasiya, ayna had iyo goor ku fekeraan sidi dadkaa loo yarayn lahaa. Fiiri buugga la yiraahdo saddexdii khuraafadood.
Inaanay naxariis u hayn dadyowga kale waxaa daliil kuugu ah in la yiri qofkii reer Afghanistaan ah ee diyaaradaha maraykanku gardarro ku dileen qoyskiisa magdhow ha loo siiyo afar boqol oo dollar, qofkii maraykan ah ee ku dhintay diyaaraddi Pan America ee ku dul qaraxday scotland waa in magdhow loo siiyaa toban milyan oo doollar.
Waxaa kaloo daliil u ah malaayiinta tan ee cuntada ah ee la baabi'iyo sannad walba si aanu qiimaha ascaartu isu dhimin, waxna kama siiyaan dalalkay muddada dheer soo gumaysanayeen oo ay khayraadkoodii soo boobeen.
Teeda kale waxay sheegeysaa daraasad lagu sameeyey Maraykanka sannadkii 1991kii inay sannad walba dadkaasi ku bixiyaan barbaarinta bisadaha lacag u dhiganta 106 bilyan oo dollar, lacagtaasoo miisaaniyad u noqon karta waddan soo koraya muddo gaareysa boqol sano. Afar bilyan oo ka mid ah waxay ku baxdaa fitamiinaad wax xoojiya kaliya.
Taa wax ka badanna waxaa lagu bixiyaa eeyaha.
Xayawaanku naxariis way mudan yihiin laakiin waxaaba ku fillaan karta waxa ay dhulka ka gurubsadaan.
Dhinaca kale kooxda yar ee ay Soomaali ka wadeen iyagaa badanaa is dabbaray oo kumannaan dollar ku bixiyay sidii ay halkaa ku tegi lahaayeen.
Sharci ahaanna wax baa ku jira in qofku uu gaalada u aado inuu dakhligiisa hagaajiyo, qofku diinkiisa hadduu u baqayo ilmihiisana uu mustaqbalkooda ka fekerayo inuu ku degdego ma ahayn gaalo aadiddeed.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii isku deyaayay inay waddammadaa aadaan baddey ku hafteen, sababtoo ah been baa loo sheegay, haddase waxgarad badan waxay billaabeen soo gurya noqosho ay ku rabaan inay waddankii ku soo noqdaan ama waddammada islaamka ah ee aad hadda leedahay xuquuqda insaanka lagama dhowro.
Carabtana markii horeba waxaa ka mid ahaa kuwa oggolaa magangelinta soomaalida sida Yaman, Suuriya, Masar, Suudaan, Jabuuti, Xagga Islaamkana Baakistaan.
Teeda kale hadday reer galbeedku rabaan inay Soomaali wax u qabtaan maxay iyagoo waddankooda jooga wax ugu qaban waayeen.
Markii dagaalkii sokeeye billowday safaarahoodii bay la wada carareen, iskumana deyin inay ka qayb qaataan xal u helka dagaalka, laakiin Itoobiya markii dagaalku caasimadda ku soo dhowaaday shir baa London loogu qabtay, dowladdii iyo mucaaradkiina si fudud baa xukumkii la isugu kala wareejiyey.
Annagase waxay nugu aafeeyeen qashinkii sunta ahaa ee kiimikada iyo nukliyeerka, taasoo shacabkii iyo bii'adiiba kharribtay, hubna waa ay isugu keen dhiibeen oo kooxihii bay kala taageereen.
Dad badan oo aqoon yahan ah oo dhulkaa gaalada aaday wixii ay yaqaanneen kuma shaqeeyaan, oo waxaad arkaysaa qof p.h.d haysta oo taxi wada ama meel waardiyaynaya, ama macdonalds ka shaqaynaya.
Ugu dambeyntii sidee loo dhihi karaa reer galbeed baa Soomaali soo dhoweeyey iyadoon ognahay markay u yimaadeen waxay ku magaacaabeen rajo soo celinta wixii laga dhaxlay inay noqotay inay dilaan dad lugu qiyaasay saddex iyo toban kun oo Soomaaliyeed, hanti fara badan oo malaayiin dollar lugu qiimeeyey ayay burburiyeen, wax magdhaw ahna kamay bixin ama cudurdaar.
Dhibkaa ay na gaarsiiyeen marka la barbardhigo waxa la sheegayo inay Soomali u qabteen sow la mid ma ahan dhibic biyo macaan ah oo badweyn lugu daray.
Ninka su'aalaha weydiiyay wuxuu warkiisa ku soo gabagabeeyey hadalkan:
(Saaxiibbayaal fadlan su'aalahaas iiga soo jawaaba, oo ka fekera adinkoo deggan, si qoto dheerna u fiiriya. Waayo waxan aan idinsoo weydiiyey waa wax runa, oo jira, oo aan la dafiri karin…)
Saaxiibkiin
oo idin leh: Nabad iyo Caano. Hakim yare
Jawaab:
Beenta gaaladu soo dhoodhoobtay qof caqli luhu rumeyn maayo, haddii aad adigu xaq u aragto waxaa aad soo tarjumtay waxaan ku leennahay Allaha ku hanuuniyo, hadalladaa rakhiista ah ee shaki gelinta loogu tala galay nagama qarsoona, waana wax boqollaal sano ka hor ay kirishtaanku maciin ka dhigan jireen, casrigaanna wixii u munaasiba lugu kordhiyay uun.
Markii laga caajisay in xaq la soo bandhigo daliilkiisii wata waxaa shaqo laga dhigtay su'aalahaa dadka shakiga lugu gelinayo, Alle mahaddiina waan ka wada jawaabnay, ee Allaha kugu anfaco.
Muslinkuna Nabad iyo Caano iskuma salaamaan, ee waxay yaqaannaan Assalaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
Waxaa qoray: Dr Cutmaan Macalin