Su’aal #138: Gabar uur leh ma la meherin karaa?

september 28th, 2008 by Nasir

Suaal:

Gabar uur leh ma la meherin karaa?

Halkan ka dhagayso Jawaabta

Halkan ka qaado (download)

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #89:Gabar guur soo martay

august 7th, 2007 by Nasir

Suaal

miski cilmi Wuxuu soo qoray:

ascwrwbrt allah ayaa mahad iska leh.oo inoo saqirey inaan kaga faaideysano netka anagoo aduunka fogfog kalajoogna.illahey ha xafido culumadeena, intaas ka dib waxaan ahay gabar guur soo martey waxaan guursaday wiil anigoon u sheegin reerkeena hadana waxaaba yimid aniga iyo ninkii inaan kala shakiney reerkeenuna ma oga inaan is qabno amaba aan leeyahay nin marka hadaan ka codsado ninkaas furiin maadaama aan ewelba qariyey cid iga fureysana jirinindiintu maxay ka qabtaa
??? sideense isaga furi karaa ma jiraa nikaaxeenaas ,maadaama aan ahayn gabar oon ahay qof garoob ah maqasab baa inaan ehelkayga u sheego guurkeyga ma weli ayaa leyga baahan yahay marka meherku dhacaayo iney i ogaadaan
wabilaahi toowfiiq iiga soo jawaaba allaah ceebtiina ha asturee.

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #83:Haweney meherkeeda cafisay

august 7th, 2007 by Nasir

Suaal

ifrah Wuxuu soo qoray:

Asalamu calaykuma w/wbr bacda salaan sheek adiga oo ku mahadsan sida wacan ee aad su,aalaha nooga soo jawabayso su,aashaydu waxay tahay hadii ninkayga hada kahor asaga oo aan waxba haysaniyiri walaal meherkaadii iga cafi anigana aan ka ogolaaday markaas kadib uu ilaahay wax siiyaay oo aan waydiistay meherkaygii asagana uu iga ogolaaday ma wax danbi ah ayaa iigu sugan wabilaahi towfiiq illahay kheyrka ha ina waafajiyo dhamaanteen  aamiin.

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #75: Gabar garoob ah oo….

august 6th, 2007 by Nasir

Suaal

maxamed aadan ibraahim Wuxuu soo qoray:

as w wbr ikhwaanii dhamaantiinaba gar ahaan shiikha bacda salaam .waxay tahay su’aashaydu sidan: gabar ama garoob
gaar ahaan garoob waalidkeeda qurbaha u so dhifiyay si ay ugu so shaqayso markay sanado ay jogtayna ay nin isla garteen in ay is nixkaaxsadaan iyadoo aan ehehladii somaliya jiray wax lala socodsiinin iyadoo la ga baqanaayo in ay ehelada soo dalbadaan qarash aan la awoodin .sheekhunaa jazaaka llaahu khayran mala suubin karaa ama hadii la subiyayna maxuu xukunkeeda noqonayaa? w w wbr.

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #71: Nin Khamri cabay

august 6th, 2007 by Nasir

Suaal

mahad jamac Wuxuu soo qoray:

sheeikh suaal ayaan qabaa taasoo ah habeen ayaan waxaan soo cabay wuxuuna ilaah raali ka aheyn markaas ayaan xaskayga oo wadankale joogto iga xanajisay inta an wax weydiistay markaas ayaan ku carooday waxaana ku iri waa iga furan tahay habeenkaas caadi ma aheyn maskaxdayda marka suasha aan qaba waxay tahay ma iga furan tahay xaska mise waan qabaa weli bal isoo sheeg sheeqquuna.

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #70: Mudada uu ninka naagtiisa ka manaan karo

august 6th, 2007 by Nasir

Suaal

saamiya Wuxuu soo qoray:

asalaama caleeykum shiiq waxaan kuweeydiinaa ninkeyga meeqo sano ama bil ayeey diinto ogashahay inuu kamaqnaado waxaan joognaa yurub ilmo yarbaan heystaa ninkiina isla yurubta ayuu ushaqo tagay marka maxeey diintu kabtaa shiiqoow

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #65: Nin xaaska ka maqantahay

august 6th, 2007 by Nasir

Suaal

abuu zeynab Wuxuu soo qoray:

asalamu caleykum wr wb.
sheeq ninbaa wuxuu i wydiiyay su’aal  cilmi aan u laheen marka waxaan iri anaa culumada kuu weydiinayo su,aasha waxay tahay nin baa naagtiisa ka maqan tahay ayaa igu yiri markaan xaaskeyga la hadlaayo ayaa mararka qaarkood waxaan ka hadalnaa wax yaabo galmo ku saabsan dabadeena waxaa iga imaado shahwo marka arinkaas ma wax banaan baa mise waa waxaan banaaneen maadaama ay iyadii iga maqan yahay.

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #63: Gabar guursatay

august 6th, 2007 by Nasir

Suaal

Faisa maxamud Wuxuu soo qoray:

asw mida xigta shiiqow waan guursaday
lakinse waxaana la noolahay hoyadey
oo abahay ilama joogo mida kale markii hore
hoyadey waa la iga soo dontay inkastoo eey
tiri isa suga kadibna anaga ma anan sugin
oo waxaan ka sugeyno maba u jeedin kadibna
aabaheyga ayaa arintii dhameyay aabe iyo
hooyana iskuma fiicno oo marhore ayee kala tagen
marka hooyo wey xanaqday oo waxey tiri
albaabka iiga dag shiiqow su,aasheydu
waxey taahy hadii aan ka dago ma igu dinba baa mise
wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wa barakatahu

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #55: Nin qabiil lagu nacay?

august 6th, 2007 by Nasir

Suaal

amino ali warsame Wuxuu soo qoray:

asalaamu caleeykum sheekh ninka iqabo hadeey hooyadeey nacdo ooy tiraahdo aniga iyo ninkaaga mid dooro oyna qabiil ku naceyso maxeey diinta islaamku maxeey ka qabtaa.

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

Su’aal #46: Masaafada

august 5th, 2007 by Nasir

Suaal

Max\’ed Irshaad Wuxuu soo qoray:

ASC
shiiq salaan kadib waxaan rabaa in
aan wax ka ogaado diinteena suuban waxaa
ay ka qabto Masaafada sharci ahaan ma
xalaal baa mise waa xaaraam mise waa
Makruuh shiiw Mas’aladaas wax badan ayay
qalbigayga ku soo Noqnoqtay
wabilaahi tawfiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq

Halkan ka dhageyso jawaabta

Ka mid ah qaybta Guurka | No Comments »

« Previous page